Ma dooneysaa in aad ka tagto shaqada oo aad sameysato ganacsi kuu gaar ah? dabcan ganacsi shaqeynaya oo noloshaada inta ka harasan aad ku noolaan kartid.
Waxaan ku ogaanay saddex hab oo inta badan aan loo arkin in ay ganacsiga u keenayaan guul la hubo balse ay tahay habab kaa caawin kara marka tan la fiiriyo.
Qodobka koowaad waa diidmo
Waxyaabaha aan ogaanay waxaa ka mid ah in aad leedahay dareen diidmo. Dadka aan ku faraxsaneyn ama isku arka in iskuul, jaamacad ama shaqadii hore aysan toodi aheyn ayaa ka mid ah kuwa guuleysta.
Duncan Benettine waa ganacsi aad loo yaqaan, waxa caan ka dhigay waa bandhiga Dragon Den ee ka bixi jiray TV-ga. Ciidamada Badda ayaa laga soo eryay kaddib markii uu la dagaallamay sarkaal. “Sarkaalka wuxuu soo farageliyay arimaheyga, wuuna igu qeylinayay, marka waxaan dareemay in markaas ay aheyd in aan jawaab ka bixiyo” ayuu yiri Duncan. Duncon wuxuu noo sheegay in uu go’aansaday in uusan qofna amar ka qaadan.
Siman Beckerman waa aasaasaha suuqa internetka ee Pepop. Isagoo iska hadlaya wuxuu yiri, “waxaan ahay qof aan hoggaansamin. Waxaan dareemaa in shaqadaas aysan teyda aheyn”. Dhabtii markaad cidna u shaqeyn weydo, jidka kaliye ee kuu furan waa in aad si madaxbanaan u socotaa.
Krisi Smith oo ah aasaasaha shirkadda ‘Bird and Blend Tea Co’, dhowr shaqo oo hore ayey soo martay ka hor int aysan bilaabin shirkadeeda shaaha. Waxaa jiray shaqooyin ay xasaasiyad ka qaadi jirtay. Dhammaantood way ka soo shaqeysay. Sida in aad xanaaneysid bisadaha adigoo xasaasiyad ka qaadaya in aad daryeesho.
Sidoo kale waxay ka shaqeeysay caweys. Waxaan inta badan is weydin jiray ayey itir maxaan ugu shaqeyneynaa shaqadan. “Waa taas waxa dadka dhiirogeliya” ayey tiri.
Kaddib markii ay goobjoog u noqotay sida xun ay milkiilayaasha ula dhaqmayaan shaqaalaha iyo macaamiisha ayey go’aansatay in ay bilowdo ganacsi iyada u gaar ah oo si xushmad leh loo shaqeynayo.
Qodobka labaad waa dulqaad la’aan
Astaanta kale ee aan dareemay waa dulqaad la’aanta dadka. Rabitaan ayaa ku jira mana aamusi karaan. Ma arkaan sawirka guud ee ah in ay ku guuleysteen howshooda kaddib qorsheyn weyn. Ganacsatadaas ma lumin wax fursad ah, waxayna naftooda u abuureen fursado.
Timo Armoo shirkadda waa aasaasaha shirkadda suuqeynta ee Fanbytes. Wuxuu sheegay in ganacsigiisi ugu horeeyay uu bilaabay markii uu iskuulka dhiganayay xiligaas oo ardayda kale uu ka caawin jiray xisaabta kaddibna uu lacag ka qaadan jiray.
Markii uu gaaray 17 jir, wuuu fariin qoraal ah u diray qabanqaabiyayaasha shirka ragga ganacsatada si uu uga qeybgalo. 20 daqiiqo gudaheed ayey fariintiisa uga soo jawaabeen. Sidoo kale waxaa u suuragashay in uu wareysto Sir Richard Branson, Lord Sugar iyo James Caan.
Dareenka dulqaad la’aanta waa wax ka muuqda kuwa leh hal abuurka ganacsi ee ka taga ganacsigii ay gacmahooda ku abuureen. Ganacsatadaas way og yihiin waxa ay ku fiican yihiin iyo meelaha ay ku liitaan.
Waxay sidoo kale og yihiin marka ganacsiga gaaro halkii ugu sareeysa guusha. Xaaladahaas oo kale waxaa loo baahan yahay shaqo badan si ganacsiga u gaaro halka loo socdo oo ah horumar waara.
Hadii aan la qiimeyn hal abuurka iyo waxsoosaarka, dulqaad la’aanta ma keeneyso guul la hubo. Dhinaca kale, ganacstada aan la hadalnay waxaa ka muuqatay sifo dulqaad la’aan. Marka ganacsiga guuleysto waxay aaminsan yihiin in hore loo socdo oo ganacsiga la iibiyo.
Martha Lynn Fox waxa ay wax ka sameeyay shirkadda Last Minute.com sagaashamaadkii markii uu halka sare joogay Dot-com. Xiligaas waxay aheyd abuure ganacsi. Carruurta waxay tusinayeen dadka waaweyn awoodda internetka.
Markii ay gaartay 31 sano, waxay go’aansatay in ay ka degto xilka maamulaha shirkadda. Waxay tiri waa sida koox fanaanin ah oo soo baxday marka aad bandhig weyn dhigtaan oo meel sare gaartaan aad isaga tagto. Ma dooneyn in ganacsigan uu noqdo waxa kaliye ee lagu yaqaan.
Qodobka saddexaad waa in xiiso wax kuu hayaan
Sifada saddexaad ee in ganacsiga guuleysto waa sida aad u jeceshahay in aad waxqabato halkii aad maskada ku hayn laheyd. Waxay ila tahay waxa keenay in dadkan guuleystaan, hadii ay ahaan laheyd in la maamulo hay’ad gargaar ama mid tiknoloji, waa in ay meelo badan wax ka soo qabteen.
Rajo badan ayey qabaan. Waxay aaminsanaayeen in ay gaari karaan ujeedooyinkooda, waxayna doorteen jid ka wanaagsan kan aan anaga qaadanay. Jaceylka ku jir ayaana ah waxa arroorti soo kiciya.
Richard Walker waxa uu ka dhashay qoyska ganacsatado ah. Wuxuu maamule ka soo noqday beecmushtarka aabihii, hadana isagoo yar ayuu bilaaway ganacsigiisa. Wuxuu talo ka helay Tony Gallagher oo ah ganacsada caan ku ah dhismaha guryaha kaas oo kula taliyay inuu Poland u guuro.
Sida uu sheegay, Poland markaas ayey Midowga Yurub ku soo biirtay, waxayna u weyn tahay sida Jarmalka. Waxay leedahay dad ka badan 40 milyan oo tacliin sare leh. “Ma jirin shirkada Britain oo ganacsig guryaha ka waday halkaas, sidaas darteed ayaan u go’aansaday” ayuu yiri