Dareenka joogtada ah ee daalka iyo tabar yarida, amaba xitaa inuu qofku dareemo suuxdin, ayaa culeys weyn keeni kara marka uu soo laalaabto.
Tan ayaa run noqon karta marka aynaan heyn tabar, dhiirrigelinta aasaasiga ah, ee aan ku sameyno waxa aan jecel nahay, sababtoo ah daalka ayaa naga tan badinaya.
“Xitaa way adkaan kartaa inaan howlaheenna diiradda saarno, muddo kadib, dulqaadka ayaa naga dhammaanaya diiqadda ayaana nagu sii kordheysa,” ayay tiri Samantha Heller, oo nafaqada ku takahsustay kana tirsan Jaamacadda New York University.
Iyadoo ay run tahay in hiddo-sidaha, nasashada, caafimaadka maskaxda iyo jimicsigu ay door muhiim ah ka qaataan heerka tamarteenna, haddana cunnada ayaa sidoo kale muhiim ah.
Intii aad hal mar qorshe weyn dejisan lahayd oo ku aaddan wax ka beddelka caadooyinka wax cuniddaada, waxaa laga yaabaa inay ka waxtar badan tahay inaad wax yar ku billowdo.
“Inaad cunnadaada ku sameyso isbeddello yar ayaa ku siin karta dareen guul kaasoo ku dhiirrigelin kara,” BBC Mundo u sheegtay Dolores Woods, oo cunnooyinka ku takhasustay kana tirsan Jaamacadda Texas Health Science Center.
Arrin aad muhiim u ah ayaa ku jirta su’aasha tamarta: sokorta.
Sokortu waa nooc dabinka ka mid ah. Marka hore tamar ayay ku siineysaa, balse haddana way kaa qaadeysaa.
“Cunto walba oo sokor badan leh waxay hoos u dhigeysaa tamartaada,” ayay intaa raacisay.
Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa shan isbeddel oo kaa caawin kara inaad tamar badan hesho.