Maxay tahay sababta diyaaradda Kenya Airways ay dhawr jeer uga degi weyday garoonka Muqdisho?

Maalimihii u danbeeyey waxaa warbaahintu guduhu tabinaysay in duullimaadyo ka mid ah kuwa shirkadda Kenya Airways ay dib uga laabteen safarkoodii ay ku tegi lahaayeen gegida diyaaradaha ee Aadan Cadde International, ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa keentay in la isla dhexmaro warar kala duwan oo baraha bulshada lagu faafiyey sababaha keenayey baaqashada diyaaradda.

Haddaba si BBC-du wax uga ogaato waxa keenay arrintan ayaannu la xidhiidhnay Maareyaha Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, Axmed Macallin Xasan.

Maareeye Axmed ayaa ku sababeeyey in hawsha baaqashada diyaaradda ay tahay “sabab cimillo”

Diyaaradaha ka baaqday garoonka ayaa lagu sheegay in ay ahaayeen laba diyaaradood oo kala ahaa mid rakaab ah iyo mid xamuul ahayd.

Diyaaradahan ayaa tagay magaalada Muqdisho balse ka noqday halkaas.

“Diyaaradahan ayay ku adkaatay in ay cago dhigtaan garoonka Muqdisho sababo la xiriira dabaysha xagga danbe kaga dhacaysa ee dhanka badda ka imanaysa, waa ayna diideen in ay ka soo degaan dhanka magaalada, marka dabayshu jirto. Markaa hawshani waa wax la xidhiidha cimillada” ayuu Axmed Macallin u sheegay 

Axmed Macallin ayaa intaa ku daray, in diyaaradaha kale ay ka degayeen maalmahaas garoonka, maadaama shirkadahoodu ay muddo dheer ka shaqaynayeen Muqdisho isla mar ahaantaana ay la qabsadeen is beddelka cimillada, waana wax ay soo wada mareen.

“Diyaaraha kale way ku dhacday, tusaale diyaaradda Turkish Airline way ku dhacday dhacdadan oo kale, madaxdoodaa noo timi, waanu ka wada hadalnay, waxaana u sharraxnay sida dabaysha Muqdisho sannadkii isu beddesho, waaxana ay oggolaadeen in diyaaradoodu aanay dhanka badda ka soo degin ee dhanka magaalada ka soo degaan” ayuu yidhi Axmed.

Diyaaradda Kenya ayaa bilihii u danbeeyey bilawday duullimaadkeeda Muqdisho.

Waxaana Madaxda Haayadda Duullimaadyada Rayidka Soomaalya aya qabaan in hawshan la xallin doono, maadaamma diyaaraddan ay duulimaadyadeedu cusubyihiin.

  • Related Posts

    Maalgelinta bilowga MENA ayaa kor u kacday 206% ilaa $355m bishii Luulyo

    Masar waxay u soo baxday inay hormuud ka tahay raasamaal ganacsi, iyada oo heshay $185 milyan iyada oo loo marayo todoba heshiisUAE waxa ay raacday $96 milyan oo la galiyay…

    Shiinaha oo dalbanaya malaayiin litir oo caanaha geela Soomaalida ah

    Geelu xoolo kuma jiro! Waa odhaah caanka ah bulshada xoolo dhaqatada ah ee Soomaaliyeed, odhaahdaasi wayka mugweyn tahay dhihitaankeedda, sababtuna waa in geelu Soomaalida u yahay waxyaabaha ugu qaalisan noloshooda…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You Missed

    Maalgelinta bilowga MENA ayaa kor u kacday 206% ilaa $355m bishii Luulyo

    Maalgelinta bilowga MENA ayaa kor u kacday 206% ilaa $355m bishii Luulyo

    Oracle wuxuu bilaabay gobolka 2aad ee daruuraha dadweynaha ee Sacuudi Carabiya, isagoo xoojinaya dhaqaalaha Boqortooyada ee AI

    Oracle wuxuu bilaabay gobolka 2aad ee daruuraha dadweynaha ee Sacuudi Carabiya, isagoo xoojinaya dhaqaalaha Boqortooyada ee AI

    Shiinaha oo dalbanaya malaayiin litir oo caanaha geela Soomaalida ah

    Shiinaha oo dalbanaya malaayiin litir oo caanaha geela Soomaalida ah