Shan cunto oo ku caawineysa haddii aad mar walbo daal dareento

Dareenka joogtada ah ee daalka iyo tabar yarida, amaba xitaa inuu qofku dareemo suuxdin, ayaa culeys weyn keeni kara marka uu soo laalaabto.

Tan ayaa run noqon karta marka aynaan heyn tabar, dhiirrigelinta aasaasiga ah, ee aan ku sameyno waxa aan jecel nahay, sababtoo ah daalka ayaa naga tan badinaya.

“Xitaa way adkaan kartaa inaan howlaheenna diiradda saarno, muddo kadib, dulqaadka ayaa naga dhammaanaya diiqadda ayaana nagu sii kordheysa,” ayay tiri Samantha Heller, oo nafaqada ku takahsustay kana tirsan Jaamacadda New York University.

Iyadoo ay run tahay in hiddo-sidaha, nasashada, caafimaadka maskaxda iyo jimicsigu ay door muhiim ah ka qaataan heerka tamarteenna, haddana cunnada ayaa sidoo kale muhiim ah.

Intii aad hal mar qorshe weyn dejisan lahayd oo ku aaddan wax ka beddelka caadooyinka wax cuniddaada, waxaa laga yaabaa inay ka waxtar badan tahay inaad wax yar ku billowdo.

“Inaad cunnadaada ku sameyso isbeddello yar ayaa ku siin karta dareen guul kaasoo ku dhiirrigelin kara,” BBC Mundo u sheegtay Dolores Woods, oo cunnooyinka ku takhasustay kana tirsan Jaamacadda Texas Health Science Center.

Arrin aad muhiim u ah ayaa ku jirta su’aasha tamarta: sokorta.

Sokortu waa nooc dabinka ka mid ah. Marka hore tamar ayay ku siineysaa, balse haddana way kaa qaadeysaa.

“Cunto walba oo sokor badan leh waxay hoos u dhigeysaa tamartaada,” ayay intaa raacisay.

Halkan waxaan idinkugu soo gudbineynaa shan isbeddel oo kaa caawin kara inaad tamar badan hesho.

  • Related Posts

    Lilium waxay ogolaatay heshiis ay ku siinayso diyaarad toos ah oo koronto ah oo ka kicisa oo soo dejisa Sucuudiga

    MUNICH: Shirkadda hawada sare ee Jarmalka ee Lilium NV ayaa markii ugu horreysay ka billaabatay Sacuudi Carabiya heshiis cusub oo ay ku gaarsiinayso illaa 100 diyaaradood oo koronto ah oo…

    Sacuudi Carabiya ayaa hogaamineysa kobaca bangiyada Bariga Dhexe iyadoo ay jirto xaalado wanaagsan: Fitch

    RIYADH: Qiimaha saliida ee sarreeya iyo heerka ribada ayaa abuuraya xaalado shaqo oo wanaagsan bangiyada Bariga Dhexe, inkastoo ay jiraan xiisado goboleed, sida ay sheegtay Fitch Ratings. Intii lagu guda…

    Leave a Reply

    Your email address will not be published. Required fields are marked *

    You Missed

    Maalgelinta bilowga MENA ayaa kor u kacday 206% ilaa $355m bishii Luulyo

    Maalgelinta bilowga MENA ayaa kor u kacday 206% ilaa $355m bishii Luulyo

    Oracle wuxuu bilaabay gobolka 2aad ee daruuraha dadweynaha ee Sacuudi Carabiya, isagoo xoojinaya dhaqaalaha Boqortooyada ee AI

    Oracle wuxuu bilaabay gobolka 2aad ee daruuraha dadweynaha ee Sacuudi Carabiya, isagoo xoojinaya dhaqaalaha Boqortooyada ee AI

    Shiinaha oo dalbanaya malaayiin litir oo caanaha geela Soomaalida ah

    Shiinaha oo dalbanaya malaayiin litir oo caanaha geela Soomaalida ah