Waxa uu sheegay in dhalinyaradaas ay u badnaayeen dumar u sheegay inay qaarkood joogaan laba bilood wax ka yar.
Maxamed Barre Maxamuud ayaa Libya ku booqday qaar ka mid ah dhalinyarada Soomeeliyeed ee ku sugan Libya kuwaas oo halkaas ku tagay tahriib.
“Libiya waxaan markii hore u tagnay ka qeyb galka shir Jaamacadda Carabta ah balse markii dambe ayaan waxaan u kuur galeynay xaaladda dhalinyarada Soomaaliyeed ee Libya ku nool, waxaan la kulanay qaar ka ka mid ah dhalinyaradii halkaas tahriibka ku tagay oo ay soo marin habaabiyeen magafayaasha waxayna ahayd arrin aad u adkayd oo xaaladeedana iska cusleyd,” ayuu yiri wasiirka Maxamed Barre Maxamuud.
Wasiirka ayaa sheegay inaysan la kulmin dhalinyaradii mar sii horreysay laga soo furtay magafayaasha, waxa uunsa wasiirka ku sababeeyay in weli ku jiraan gacanta xeer ilaalinta maaddaamaa ay ahaayeen dhibaneyaal muddo dhib loo geysanayay sidaas darteed waxa uu sheegay in loo baahnaa in loo maro hab sharci ah maaddaamaa ay baaris ku socotay.
“Dhalinyaradaas inooma suurogelin inaan la kulano laakiin waxaa la kulanay dhalinyaro kale oo eheladooda ay ka soo furdaamiyeen ama si kale cagahooda uga soo baxsaday kuwaas oo waqtiyo kala duwan soo gaaray Libya, qaarkood 5 sano ayay joogeen halka qaarna ay bilooyin yar joogaan.”
Waxa uu sheegay in dhalinyaradaas ay u badnaayeen dumar u sheegay inay qaarkood joogaan laba bilood wax ka yar.
“Dhalinayada marka laga reebo laba wiil waxay noo sheegeen in magafayaashu ay soo qiymaaneen ka dib markii ay u sheegeen in Addis Ababa laga saarayo diyaarad geynayso bariga Yurub balse ay ku dambeeyeen Libya,” ayuu yiri wasiir Maxamed Barre
Dhalinayada xiran ee Libya ayaa waxa uu wasiirka sheegay inay laba siyaabood u xiran yihiin. “Kuwo kalana waxa ay u xiran yihiin dowladda Libya oo laga soo qabtay xeebaha iyagoo doonaya inay doonyo raacaan halka kuwa kalena ay haystaan manaxayaasha”.
Wasiir Maxamed Barre ayaa sheegay in safar hore oo uu laba bilood ka hor tagay la kulmay raysal wasaaraha oo uu kala hadlay sidii dhalinyaradaas loo soo deyn lahaa haddana uu markale kala hadlay ayna u ballan qaadeen inay ka shaqeynayaan arrintaas.