Maxaad ku xusuusataa markaad subag maqasho? Canjeero kulul amaba oodkac lagu sameeyay subag.
Subaggu mar buu Soomaalidu u ahaa cunno aysan ka maarmin oo waxyaabo badan iidaan looga dhigo, hase yeeshee muddooyinkii dambe waxyaabo badan ayaa beddelay sida saliid-caddeyda amaba macsarada iyo noocyo kale sida tan saytuunka.
Inkastoo subagga kan lo’da iyo arigaba laga isticmaalo meelo badan oo Soomaaliya ah, sidoo kalena qaaradda Aasiya sida Hindiya, haddana waxaa soo baxayay in haddii la iska badiyo uu dhibaato u leeyahay caafimaadka. Sababta ayaa ah in subagga uu leeyahay dux aad u badan.
Subagga waa waxa ugu saafisan ee laga soo saaro xoolaha, haddii ay ahaan lahayd lo’da amaba ariga.
Isticmaalka Soomaalida ee subagga xoolaha
Subagga xoolaha waqti hore ilaa hada wuxuu ahaa mid isticmaalkiisu ku badan yahay dhulka soomaalida gaar ahaan miyiga oo uu ahaa iidaanka cunada kan labaad ee loogu isticmaalka badan yahay marka laga soo tago caanaha xoolaha.
Marka marti soo hoyaati timaaddo wuxuu subaggu ahaa mid loogu iidaamo cunada lagu marti soorayo sida bariiska cad,digirta ama wax burka laga sameeyo.
Subagga loogu isticmaalka badan yahay dhulka Soomaalida waxaa laga soo saaraa caanaha ariga iyo lo’da inkastoo abaaraha saameeyey deeganada uu yaraaday helitaankiisa.
Subaga ayaa u kala baxa laba nooc oo kala isticmaala mid sixin ah oo waxba lagu darin iyo mid saliid lagu barxo si mudo loo sii isticmaalo.